BARAHA BULSHADA

19 hours ago

Waxaan uga tacsiyeynayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya iyo taageerayashayda baaqashada ku timid kulankii soo dhowaynta ahaa ee maanta Nairobi ka dhici laaha. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bartilmaamsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan Xisbiga Wadajir. Waxaa xusuus mudan in aniga iyo Farmaajo sanad ka hor aan Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
5 days ago

Markii aan dhalinyarada ahayn Islaamka nala baray wuxuu u badnaa Axkaam iyo Cibaadaad. Waxaa soo raacay siirada Nabigga (NNKH) oo dagaal iyo duulaan u badnayd. Way yarayd tarbiyad dhisaysa qiyamka iyo akhlaaqda, xoojinaysa dhaqanka suuban ama noolaynaysa ruuxda. Ugu dambeyntiina wuxuu u xuub siibtay loolan siyaasadeed oo xukun lagu raadinayo.

Markii la diiday in ay jiri karaan faham iyo fasiraad kala duwan ee Quraanku yeelan karo, waxaa ka dhashay gaalaysiin iyo kali Islaanimo. Waxaa xirmay wax kasta oo lagu cusboonaysiin karo fahamka Diinta. Cusboonaysiintu oo macnaheedu yahay is waafajinta Naska (Quraanka iyo Sunaha) ujeedka Naska iyo waaqaca wuxuu lafdhabar u yahay jiritaanka Diinteena.

Si taa loo gaarana waa in la helaa culimo taaqana Naska iyo Waaqaca Nolasha. Aqoonta Naska waxaa lagama maarmaan ah in aad takhasus u leedahay Quraanka iyo cilmiga Quraanka, Xadiiska iyo Cilmiga Xadiiska, Luqadda Carabiga iyo Cilmiga Luqadda sida (Naxwaha, Sarfiga iyo Balaaqadda), Fiqiga iyo Cilmiga Ushuusha Fiqiga.

Sidaasoo kale ayey lagama maarmaan u tahay in aad aqoon durugsan u leedahay Cilmiga Waaqica nolosha sida; Cilmiga Bulshada, Dhaqaalaha, Siyaasadda, Xiriirka Dawliga, Cilmi Nafsiga iwm. Way cadahay in uusan jirin Sheekh kulansaday aqoonta Naska Diinta iyo Waaqaca Nolasha.

Haddaba waa lagama maarmaan in la helo Golayaal (Majaalis) ay ku dhanyihiin culimo aqoonta Naska iyo waaqaca nolosha kulansatay oo u jawaabi karta baahida Nolasha si la isku waafajiyo Diinta iyo Nolasha, hadiise sida xaalku hada yahay ay ku sii socota, waxaa ka dhalanaysa in Diinta iyo dadku kala fogaadaan.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
6 days ago

Saaxibkeey ayaa i waydiiyey sida ay iila muuqato hadalkii Madaxweynaha Puntland. Waxaan ku iri intii aanan sax ama khalad oran, waxaa haboon in aan la isfahmo halka la taagan yahay, sababtoo ah ruuxii aan garan halka la taagan yahay, halka loo socdana ma garan karo.

Markii lagu guul daraystay in dawladii dhexe dib loo yagleelo dadkii Soomaaliyeed ee ay colaadu kala irdhaysay waxay samaysteen deegaano maamul, waxayna dhisteen dawlado. Dadku weli isma aaminin waxbana iskuma darsan.

Dawlada Federaalka waxaa loo dhisay in dadkii kala irdhoobay iyo deegaanadii kala tegey dib isugu soo celiso. Kala irdhowgii dadka wuxuu keenay in si isku mid ah loo arki waayo maxaa dan ah? yaase saaxib ah? isku meelna laga is taagi waayo maxaa halis ah? yaase cadaw ah?.

Hadaba ruuxii u soo banbaxay hoggaanka dal sidaa u yaala waxaa laga rabaa in uu dadka ku qanciyo halka ay danta guud taalo, u cadayn karo cadawga iyo saaxibka, ka dibna u hawlgalo is waafajinta danaha kala duwan ee dadka iyo deegaanada, tusiyana sida danta guud iyo danahoodu meel ugu wada shubmayaan.

Waxaan marna la xadayn karin shucuurka iyo dareenka dadwaynaha ee ku aadan qabka, sharafka iyo gobonimada ay jeclaan lahaayeen in ay hoos harsadaan, iyagoo weliba xusuusta gadaal u milicsanaya.

Hoggaamiyahase waxaa laga raaba in uu si xikmad iyo xilkasnimo leh uu xeeriyo waaqaca horyaal ee danaha dadkiisa ee isdiidan iyo deeganada kala tagsan iyo dawladaha is maquuninaya. Gaas hadii uu danta deegaanka Puntand ka hadlay, Farmaajo ayaa laga rabaa in uu ku qanciyo sida ay danta Puntland iyo Federaalka isku waafaqayaan.

Hadii Imaaraadku xawaaladaha xiraan, Soomalida iqaamooyinka ka soo kansalaana, ciidankii mushaarka ka goostaan, ama Sacuudiga dhoofinta Xoolaha hakiyo, Soomaalidana soo tarxiilo, waxaa xalkeeda looga fadhiyaa madaxweynaha, sababtoo ah masuuliyad go’aanka uu qaatay isaga ayaa qaadaya.

Waxaan mar kale ku celinayaa siyaad dibadeed sax iyo khalad, gar iyo gardaro kuma dhisan ee waxay ku salaysan tahay dan aad xaqiijinayso ama halis aad ka hor tegeyso, waana tan ay maqaasida shareecadu ku soo koobtay

جلب المصالح ودرء المفاسد

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago

Saaxibkeey ayaa sawirkan galabta igu gaaday anigoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade jooga.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago

Waxaan aqriyeyey Khudbadii is casilaada ee Gudoomiye Jawaari. Khudbada oo 10 bog ahayd ayuu Odaygu fariimo culculus ku diray, iyadoo kuwa dagaalna aysan ka marnayn. Waayo aragnimo iyo xirfad sare ayaa ka muuqatay luqada ay ku qornayd iyo macnaha ereyada ay xambaarsanayd.

1- Odaygu wuxuu sheegay in ragii ay is hayeen uu isagu ka roonaaday, isagoo tusaale u soo qaatay qisadii Nabi Daa’uud (CS) uu labada haween u kala xukumay canugii ay isku qabteen. Nabigga ayaa yiri aan idiin kala jaro, laakiin haweenaydii canuga dhashay ayaa tiri ha kala jarin ee iyada sii.

2- Odaygu wuxuu tilmaamay hadii aysan tanaasulkiisa ahayn in Baarlamaanka labo u kala jebi lahaa, lagana yaabi lahaa in dhiig ku daato, maadaama awood sheegad meesha soo galay.

3- Odaygu wuxuu si kalsooni leh u sheegay hawlqabadkiisii iyo halka uu Baarlamaanka uga tegayo, isagoo 10 mar ku celiyey “waxaan idinkaga tegeyaa Baarlamaan”

4- Odaygu wuxuu ka dardaarmay ilaalinta Dastuurka, isagoo ka digay cawaaqib xumida ay leedahay in Dastuurka lagu tunto. Wuxuu kaloo tilmaamay halgankii laga soo maray dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, isagoo si dadban ugu dusiyey raga haatan hoggaanka haya in ysan qayb ka hayn halganka.

5- Oday wuxuu kaloo ka dardaarmay Madaxbanaanida Baarlamaanka. Wuxuu ka digay in hadii awooda laanta fulinta iyo sharci dejinta hal gacan ku dhacdo ay ka dhigan tahay kali talisnimo, lagana yaabo in dalka dib colaad sokeeye ugu noqdo.

Khudbada Odayga waxay ahayd dardaaran, dagaalna kama marnayn. Wuxuu fariin dagaal oo maldahan u diray Madaxda fulinta iyo raga kale ay is hayaan. Inkastoo uusan marna magac dhabin madaxda laanta fulinta (madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha), laakiin way cadayd in uu fariimaha dadban iyaga ku weeraray.

Sidoo kale, wuxuu fariin weerar dadban ku riday Baarlamaankii sideedaad, kasoo ay gudoon ka ahaayeen raga beshiisa ah ee dagaalka kaga adkaaday (Shariif Xasan iyo Aadan Madoobe). Odayga ma hilmaamin Muudeey, wuxuuse la sugay laadka ugu dambeeya, isagoo yiri

“M.ne Guddoomiye, si waafaqsan dhaqanka dawladeedka, laga bilaabo maanta uunbaad tahay Ku-sime Guddoomiye”

Jawaari wuxuu ahaa Oday xirfad xeelad badan oo in badan nidaamka Dawliga ah ku soo jiray, laakiin ma ahayn siyaasi. Mar walba xoogag siyaasadeed oo ishaya ayey gudoomiyenimadu fataq uga soo dhex lahayd (free rider).

Sanadkii 2012 wuxuu Gudoomiye noqday ka dib markii Qabiilka Hawiye iyo Daarood isku babaysteen in ay Prof. Cali Khaliif ka hor istaagaan Gudoomiyaha, halka sanadkii 2016kiina ay sidoo kale C/rashiid Xidig ka hor joogsadeen gudoonka.

Shaqo la taaban karo ayuu Baarlamaanka ka qabtay, laakiin saldhig (base) siyaasadeed ma dhisan, isbahaysi siyaasadeedna lama gelin awoodaha dalka ka jira. Taas ayaa sababtay in weerarkii siyaasadeed ee ugu horeeyeyba uu daaqada si sahlan uga faniino.

Machiavelli ayaa la sheegay in ay laga maarmaan tahay in hoggaan siyaasadeed uu leeyahay xeesha (skills) dawacada, iyo dhiirrida (courage) Libaaxa. Oday Jawaari tan hore ayuu lahaa, laakiin tan danbe wax badan loogama deeqin. Baarlamaanka wuu tebi doonaa, laakiin kama tegin taageerayaal badan oo xusuusan doona.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago

Waxaan hambalyo u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta 58 sano jirsaday. Mar buu CXDS ka mid ahaa kuwa Qaarada Afrika ugu xoogga badan, laakiin ma ahayn ciidan xirfadeed (professional army). Halbeegga u qalanka ciidan xirfadeed kuma xirna tirada ciidanka iyo tayada qalabkiisa oo keli ah. Waxaa lagam maarmaan ah in darajo bixinta iyo dalacsiinta ay tahay mid aan ku qotomin qabiil iyo qof jecleysi ee u qalan iyo kasbasho ku timid (merit). Waxaa iyana taa ka dhicin amaba ka muhiimad wayn in ciidanka ay u kala saaran tahay daacadnimada (loyalty) qaranka iyo qofka hoggaanka haya.

Sagaalkii sano( 1960-69) ee dalkeena nidaamka dimoqoraadiga ka jiray ilaa iyo xad Ciidanku waa ka madaxbanaanaa siyaasada. Waxaa hubaal ah in ciidan siyaasad ku milan uusan dhismayn, kii dhisnaana ay burburisay. Sidaa daraadeed waxaan ugu baaqayaa madaxda hataan hoggaanka hasya in ay garawsadaan in falsafada dhismaha ciidanka ay sal dhig u noqoto ka madax banaani siyaasadeed.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago
Photos from Abdirahman Abdishakur Warsame's post

Muqisho xalay roob yar laakiin gugac xooggan leh oo dadka cabsi geliyey ayaa ka da’ay, maantase waa qorax. Hala qoraxayso si loo helo Vitamin D.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
2 weeks ago

Saaxibkeey ayaa i waydiiyey muxuu Jawaari shirka jaraa’id ugu hordhacay kulanka uu Baarlamaanka beri ugu balansanaa. Waxaan ku iri waxaan ka mid ahaa 6 ruux oo labo Ajnabi tahay (Museveni iyo Mahiga) oo qayb ka ahaa wadahadalkii ka dhacay Madaxtooyada Uganda ee lagu go’aamiyey in Farmaajo xilka Raysalwasaare looga qaado 2011kii.

Shir habeeno socday ka dib ayuu Madaxweyne Shariif go’aansaday in Farmaajo iscasilo. Farmaajo wuxuu yimid Kampala. Wadahadal saacado qaatay ka dib oo isaga Sheikh Shariif dhexmaray ayuu ku aqbalay in uu iscasilo. Xiligaas waxaa taagnaa loolan Xukuumada iyo Baarlamaanka u dhexeeyey. Farmaajo markii uu Muqdisho ku soo laabtay ayuu damcay in uu ka laabto balantii uu Kampala ku soo qaaday, laakiin ugu danbayntii cadaadis dhinacyo kala duwan kaga yimid ayuu ku aqbalay. Habeenkii heshiiska la saxiixayey ayaa la isku soo qaaday in Farmaajo dhinaciisa ka saxiixo heshiiska, laakiin wuxuu ku adkaystay in aan loo baahnay, isaguna nin qowl leh yahay.

Saxiibkeey waxaan ku iri waxaa laga yaabaa in Madaxweyne Farmaajo uu ka shakiyey Jawaari in uu war kale beri la soo shirtago, sababtoo ah Jawaari intii uu hadlayey marna ma xusin kaalinta Madaxweynaha, uma mahad celin, magaciisana sooma qaadin. Odaygu uma ekayn nin ku qanacsan in uu maanta hadlo.

*fiiro gaar ah: faahfaahinta shirar kii heshiiskii Kampala mar kale iyo meel kale ayaan uga hadli doonaa.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
2 weeks ago

Shalay Hay’adda dambi baarista dalka Maraykanka (FBI) ayaa duldegtay xafiiska qareenka gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka Donal Trump. Madaxweyne Trump isagoo arrinkaa ka xun ayuu shir jaraa’id ku canbaareeyey. Xeer Ilaalinta, FBI iyo Garsoorka oo falka caynkan ah ogolaasho looga rabo way idmeen, sababtoo waxay fulinayaan wixii sharciga dhigayo. Madaxweynuhu awood uma laha in uu joojiyo, hadii uu isku dayana ka yeeli mayaan, sababtuna waa in aysan isaga daacad u ahayn ee danta dalka u yihiin

Maraykanka waxaa awooda u yeelay waa saraynta sharcigga, waxayna ku timid naf hur badan oo ay shacabka Maraykanka soo sameeyeen. Colaada dalkeena dhaamaan mayso inta cadaaladu maqan tahay, sababtoo ah nabadu ma aha in aysan colaadi jirin ee waa in ay cadaaladi jirto. Duligana ka bixi mayno inta ruux waliba kaligaa danayso is leeyahay, sababtoo ah ma jiro qof kaligii dantiisa gaari kara iyadoo ay danta guud dayacan tahay.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
2 weeks ago

Waxaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaa taageerayaasha Xisbiga Wadajir ugu hambalyeynayaa in ay soo idlaatay hawlihii diiwaan gelinta Xisbiga Wadajir. Waxaan u mahad celinayaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Waxaan rajaynayaa in Xisbigu hormuud u noqdo hanaqaadka hannaanka xisbiyada badan.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
« 1 of 3 »
15 hours ago
Dagmada Hiliwaa.

Maamulka Gobolka Benaadir oo gaari ku wareejiyay maamulka Degmada Hiliwaa gaarigaasi oo ka qeyb qaata howlaha amniga.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
18 hours ago
Photos from Gobolka Benaadir's post

Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta Gaaari ku wareejiyay Mamulka Degmada Hilwaa Gaarigaan ayaa waxaa Loogu Talagalay Ciidanka Booliska Saldhiga Demada Hiliwaa

Gudoomiye Ku Xigeen Kowaad ee Maamulka Gobolka Banaadir Dhanka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullahi Maxame(Tuulax) ayaa ku wareejiyay Gaariga Maamulka Degmada Hiliwaa Waxaana uu kula Dardaarmay Gudoomiyaha in gaarigaan loogu talagalay in loogu adeego Shacabka Degmada Hiliwaa.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 day ago
Photos from Gobolka Benaadir's post

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisoow) ayaa maanta kormeeray deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku yaalan goobo lagu shubo qashinka laga qaado magaalada.

Kormeerka waxaa gudoomiyaha ku wehlinayey gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee G/Banaadir marwo Basmo Caamir Axmed, Gudoomiyaha Degmada Wadajir iyo masuuliyiin kale.

Eng Yariisow oo halkaa saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya in qashinka lagu shubi doono godadka waaweyn ee laga qodo caradda oo ku yaala isla deegaanka Jazeera, waxaana uu gudoomiyuhu sheegay in taasi ay xal u noqon doono qashinkii tubnaa banaanka.

Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay bulshada gobolka Banaadir iyo qeybaha masuulka ka ah nadaafada Gobolka in ay si wadajir ah isaga kaashadaan nadaafada caasimada.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
2 days ago
Photos from Gobolka Benaadir's post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan CumarCusmaan (Eng yarisow) ayaa Maanta ‪Kulan muhiim ah Layeeshay laamaha qaabilsan Nadaafadda Gobolka Benaadir waxayna isla meel dhigeyn in Wadajir Loogu istaago Bilicda iyo Nadaafadda Caasimadda Maadaama lagu jiro Xili Roobaad‬ka Magaalada
#Mogadishu

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
2 days ago
Photos from Gobolka Benaadir's post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar cusmaan (Eng yariisow) ayaa kulan arrima La xiriira Layeeshay Shirkad Laga Leeyahay South Afrika oo Gacan Nagu siinaysa Dimuqoraadiyeynta Caasimadda.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
4 days ago
Photos from Gobolka Benaadir's post

Maamulka Gobolka banaadir oo xalay Casha sharaf u sameeyay Gudoomiyasha Barlamaanada Maamul Goboledyada Dalka

Casha Sharaftaan ayaa waxa kasoo qeyb galay Sii hayaha Gudooiyaha Baarlamanka Dalka ah Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka iyo Ra,isl wasaare ku Xigeenka Dalka Xildhibaano Wasiiro iyo Marti Sharaf kale

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga Mahad Celiyay Gudoomiyasha Barlamaanada Sida ay u aqbaleen Casuumaad uu u fidiyaya maamulka Gobolka Banaadir

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
4 days ago
Photos from Gobolka Benaadir's post

Tartan kubada cagta ee dugsiyada Degmada Karaan ayaa lagu qabtay karoonka Qoob dooro ee Degmada kaasi oo loogu talagalay isdhaxgalka bulshada islamarkaan ay ka qeyb qaadanayeen 24 kood oo malayay dhamaan iskuulada sare, waxaana maanta soo xeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho,waxaana ku wehlinayeen Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee gobolka banaadir iyo maamulka degmada karaan.

Ciyaarta kama dambeysta ah ayaa waxaa isugu soo haray kooxaha ku ciyaarayay magacyada iskuulada alshacab iyo golobal iaydo ay ku guusha ay 4-1 ku raacday kooxda golobal.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Degmada Karaan ahna kusimaha Godoomiyaha degmada Saalax Maxamed ayaa sheegay in tartankaan uu kusoo dhamaaday jawiga wanaagsan’

Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaa xusatay in dhawaan tartamo kale oo kubada kolayga ee degmooyinka Gobolka Banaadir ay bilaabanayaan sidoo kale dhalinyarada looga baahanayahay in ay ka shaqeyaan nabada iyo hormarinta magaalada’

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa hambalyey maamulka degmada iyo dharinyada ka qeyb qaatay tartankaan maamulka gobolkana uuso dhaweynaayo wax walbo oo lagu hormarinayo dhalinuyarada ‘

Marki ay soo gabagabowday ayaa labada kooxood ee kaalmaha koowaad iyo labaad kala galay ayaa gudoomiyahay gobolka banaadir ahna duqa muqdisho gudoonsiyay abaalmarino biladaha iyo koob kaasi oo lagu dhiiri galayay ciyaartoydi nasiibka u yeeshay guusha.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
4 days ago
Photos from Gobolka Benaadir's post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng yariisoow)ayaa maanta oo Jimca ah soo Booqday ololo Nadaafadeed iyo warta oo biyihii Roobabka buuxiyeen laga daabulaayay oo maraayo heer gabo gabo ah
Guddomiyaha Ayaa ku amaanay shaqada lagahaayo nadaafada iyo bilic soo celinta Degmada.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
5 days ago
Photos from Gobolka Benaadir's post

Maamulka G/Benaadir oo shaqaleysiiyay Guddoomiyayaasha isboortiga Degmooyinka G/Benaadir

Maamulka G/Benaadir oo shaaciyay in Guddoomiyayaasha Isboortiga Degmooyinka G/Benaadir ay maanta wixii ka danbeeyo noqondeen Mushaari .
Guddoomiye Ku xigeenka Arr. Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed oo shir la qaadatey Guddoomiyaasha isboortiga Degmooyinka G/Benaadir ayaa ka war bixisay ahmiyada uu Isboortiga u leeyahay Bulshada Ku dhaqan G/Benaadir isla markaana ay muhiim tahay in xaquuqdooda ay helaan Bahda isboortiga iyadoo kula dardaarantahay Guddoomiyayasha Isboortiga in ay si hufan ula shaqeeyaan maamulada iyo ururada isboortiga guud ahaan iyo gaar ahaan kan Maamulka G/Benaadir ayadoo u sheegtay in isla xisaabtan uu bilaawdey lana rabo in isboortiga la gaarsiiyo degmo,waax,ilaa heer tabeele.
Guddoomiyaha Isboortiga G/Benaadir Md. Wiish oo asgana shirkaas ka hadlay ayaa qeexay sida uu ugu faraxsanyahay in maamulka G/Benaadir oo ugu Horeeyo Guddoomiyaha G/Benaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) in uu shaqaaleysiiyo Guddoomiyayaasha Isboortiga Ee Degmooyinka G/Benaadir madaama ay in badan u soo dhabar adeegeen.
Mardhow ayay aheed markii la sameeyay qorituukii tartanka k/koleyga wiilal iyo gabdho ee Degmooyinka G/Benaadir waxaana lagu wadaa in maalinta Arbacada ee taariikhda tahay 25 April 2018 uu furmi doono tartanka k/koleyga degmooyinka G/Benaadir

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
5 days ago
Photos from Gobolka Benaadir's post

Ku;simaha Gudoomiuaha Gobolka Banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasdda Mudane Cabdullahi Maxamed (Tuulax) ayaa Sakay Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka soctay Dalka taliyaaniga

Ku;simaha ayaa wafdiga waxey kawada hadleen Sidii loo dhisi lahaa Xarumaha Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Sidii Wax Loogu qaban lahaa barakacayasha

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
« 1 of 5 »
3 days ago
Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Qatar ay u soo magacowday Soomaaliya

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
3 days ago
Photos from Villa Somalia's post

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Qatar ay u soo magacowday Soomaaliya
--------------------------------------------------
Muqdisho, 21 Abriil 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay warqadaha danjiranimo Safiirka Dalka Qatar ee loo soo Magacabay Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad.

Danjire Xamsa ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, waxa uuna adkeeyey danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Qatar iyo dowladdiisa sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu mira dhal u noqdo danaha labada dal.

DHAMMAAD

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:[email protected]

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago
Photos from Villa Somalia's post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kormeeray dhismaha Kulliyaddii Jaalle Siyaad, isaga oo halkaas kula kulmay cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago
Photos from Villa Somalia's post

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkii Shirkii Jaamacadda Carabta ee Dahraan
-------------------------------------------------------

Muqdisho: 16ka Abriil 2018; Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shir-madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Al-Dahraan ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Carbeed ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dib-u-kabashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha Carbeed muhiimadda ay leedahay midnimadu iyo wadajirku, maadaama marxalad adag ay ku jirto mandiqaddu, sida kaliya ee looga gudbi karana ay tahay isku duubni iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa iyo karaamadiisa.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay fuliso ballanqaadyadii iyo go'aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee lagu taageerayay Soomaaliya iyo in badeecadaha Soomaaliyeed loo fududeeyo suuqyada Carbeed, cafinta daymahii hore ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay ku leeyihiin dalka iyo in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Carabeed in ay maalgashadaan Soomaaliya.

Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha kale ee ka hadlay shir-madaxeedkan ayaa iyaguna khudbadahooda ku xusay arrimaha Soomaaliya, sheegayna inay mar walba garab-taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago
SHIR MADAXEEDKA 29AAD EE JAAMACADDA CARABTA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay shir madaxeedka 29-aad ee Jaamacadda Carabta

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago
madaxweynaha oo gaaray Sacuudi carabiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago
Photos from Villa Somalia's post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Shir-Madaxeedka 29-aad ee Jaamacadda Carabta oo lagu lafa gurayo qaddiyadaha ugu dambeeyay ee ka taagan Gobolka iyo guud ahaan dalalka ku bahoobay ururkan.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta
---------------------------------------------

Sabti, 14ka Abriil 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu ka furmi doono Shirka 29aad ee Madaxda waddamada ku mideysan ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka.” Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Horey waxaa ugu sugnaa dalka Sucuudiga wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadad Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha, sidoo kalana ka qeyb galayay shir Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta oo Khamiistii ka furmay magaalada Riyaad, laguna qorsheynayey ciwaannada Shirka 29aad ee Madaxweynayaasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wixii faah faahin ah, fadlan kala xiriir

Maxamuud Bashiir Jaamac
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:[email protected]

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago
Khudbad

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf u sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Waxaa, sidoo kale, kasoo qeybgalay Ra'iisul Wasaaraha, Ku Simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye K/Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Guddoomiyaha K/Xigeenka 2aad, Xildhibaannada labada Aqal iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
1 week ago
Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay munaasabadda xuska sanadguurada 58aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay munaasabadda xuska sannad guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
« 1 of 2 »
1 day ago

Waxaa si habsami leh xafiiskega ugu bilowday Barnaamijkii Tirinta Shaqaalaha Rayidka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo ay gar wadeen ka tahay Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada.

Dhammaan shaqaalaha ka howl gala xafiiska ayaa mid-mid loogu dhiibay galalkooda shaqaaale, iyada oo uu ugu horeeyay Xog-hayaha Joogtada ah iyo agaasimayaasha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

#NabadiyoNolol.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
2 days ago

"Caalamku waxuu isku raacay in ay Soomaaliya ay gaartay sand kaliya meel aan laga filayn, waxaa la xaqiijay in dhaqaalaha wax laga qabtay musuq-maasuqna lala dagaalamay, sidaa darteed ayay caalamku isla garteen in Soomaaliya laga cafiyo daymaha."

#NabadiyoNolol.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
2 days ago

Waxaan maanta Dah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalah Rayidka ah ee dawladda waxa ayna muhiim u tahay la socodka tirakoobka shaqaalaha, taas oo fududayntooda la socodka iyo hurumarinta xirfada shaqalaha.

"Mushaarka ay bixiso dawladdu waxaa laga soo qaadaa shacabka Soomaaliyeed, marka waa in shacabka loogu qabtaa adeegyada ay rabaan, si aanan ugu tuman xaquuqada shacabka".

#NabadiyoNolol.

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
2 days ago
Photos from Hassan Ali Kheyre's post

Waxaan ka qeyb galay xaflad lagu daah-furayay tirakoobka shaqaalaha Rayidka ee dawladda.
Ahmiyad weyn ayay inoo leedahay in la helo shaqaale tiro yar oo tayo badan, waxaan kula dardaarmay shaqaalaha in looga baahan yahay hufnaan iyo inay si waddaniyad leh shacabkooda ugu adeegaan.

#NabadiyoNolol

LIKE
LOVE
HAHA
WOW
SAD
ANGRY
« 1 of 6 »