Dagaalyahanada al-shabaab oo qabsaday saldhigga Bali-Qadar ee duleedka Bosaaso

0
138

Duljoog- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal  Al Shabaab iyo Ciidamada Puntland xalay ku dhex maray Buuraleyda Galgala ee G/ Bari.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa a la sheegay in uu yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada maamulkaasi ay ku leeyihiin deegaanka Bali-Qadar ee gobolkaasi Bari.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday xalay saqdii dhexe, islamarkaana uu socday muddo saacado ah.

Illaa iyo hadda lama oga khsaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkaasi iyo dagaalka xigay ayaa waxa ay barahahooda ku baahiyeen in ay ku dileen halkaasi ku dhawaad 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland, kuna dhaawaceen 8 kale.

Sidoo kale warkan ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ku qabteen Askar ka tirsanaa Ciidamada Puntland, kuna gubeen illaa 7 gaari iyo Saldhiggii Ciidamadaasi ay ku lahayeen deegaanka Bali-Qadar ee G/ Bari, sida ay hadalka u dhigeen.

Xiriiro aan la sameynay saraakiisha Ciidamada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaaan dagalkaasi.

Xaaladda ayaa saakay dagan, iyadoona Ciidamada milatariga maamulkaasi ay howlgallo ka wadaan Buuraledya Galgala ee gobolka Bari.