Jaaliyada soomaliyeed ee Turki oo kulan la qaateen wasiirka duulista hawada soomaliya

0
160

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Sheekh Maxamed ayaa u muujiyey wasiirka sida ay ugu faraxsan yihiin booqashadiisa, waxaana uu xusay in dadka Soomaaliyeed ee Turkiga ku nool ay diyaar u yihiin garab istaagga dowladda Soomaaliya.

Madaxda Jaaliyadda iyo Bulshadii kale ayaa wasiirka si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul, iyadoo wasiirka iyo wafdigiisa ay bogaadiyeen isku xirnaanta Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in arin wanaagsan ay tahay isku xirnaanta dadka Soomaaliyeed, waxaana uu kula dardaarmay in dowladooda ay ku taageeraan howlaha ay dalka ka wado.

Bulshadii kale ee ka hadlay halkaasi ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo kulanka uu kula qaatay xarunta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn