Keatin oo hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka.

0
76

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska danjiraah QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa loogu halbalyeeyey guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shalay ay doorteen xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ergayga QM Keating ayaa wuxuu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay mudanayaasha Golaha Shacabka sida hanaanka wanaagsan leh oo ay u doorteen guddoomiyaha cusub,isagoo u rajeeyey in uu ku guuleysto howshiisa.

Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale waxaa loogu mahadceliyaay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka,wuxuuna xusay in mudadii uu hoggaaminayay baarlamaanadii 9-aad iyo kan tobnaad uu qabtay howlo aad u muhimsan,iyo dowrkii uu qaatay.