12 Ruux oo ku Dhimatay Israsaasayn Dhexmartay Burcad iyo Boolis

0

Ugu yaraan 12 ruux oo lix kamid ah ay ahaayeen burcad weerar kusoo qaaday Labbo xarumood oo Bangiyo waaweyn ku leeyihiin bartamaha Magaalada yar ee Milagres ee dalka Brazil ayaa ku geeriyooday risaas ay is dhaafsadeen Booliska iyo burcada.

Labba kamid ah dadkaaasi geeriyooday ayaa lasoo werinayaa in ay ahaayeen haweeney iyo cunug aad u yar, waxa ayna ku jireen mid kamid ah bangiyada la weeraray sida ay baahisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi Brazil.

“Waxaan dilnay Lix kamid ah dburcadii weerarka kusoo qaaday bangiyada, waxaana wadnaa howlgal aan ku cadeyneyo cida ay yihiin dadka iska hor imaadkaasi ku geeriyooday” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegtay haweeneyda afayeenka u ah Duqa Magaalada Milagres, Marwo Keila Jomes.

Waxa kale oo ay sheegtay in sida ay fahansanyihiin ay tahay in burcadaasi ay maalmo ka hor sii qorsheeyeen weerarkaani oo ay xog badan oo bangiyadaan ku saabsan ay heleyn.

XIGASHO: TRT World.