Wasaarada Amniga oo Faah Faahin Ka bixisay Qarax Ismiidaamin oo Ka dhacay Duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Duljoog)-Wararka ka Imaanaayo Muqdisho ayaa sheegaayo in Qarax ismiidaamin ah  oo ka dhacay deegaanka Siinka-dheer ee Duleedka Muqdisho laga helaayo faafaahin dheeriya sida uu ku waramaayo Afhayeenka Laamaha Amniga Cabdicasiis Xildhibaan.

Gaariga qarxay ayaa lagu joojiyay Bar koontarool oo ciidanka Aar oo Nabad Suggida ka tirsan ay ku leeyihiin degaanka Siinkadheer, waxaana socday baaritaan lagu sameynayay gaarigaasi la joojiyay.

Ruuxii waday gaariga ayaa qarxiyay gaariga, kadib markii uu dareemay inaysan suuragal u aheyn inuu la gudbo gaarigaasi oo uu doonayay inuu la soo galo Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Khasaaraha qaraxan ka dhashay ayaa dadka degaanka waxa ay ku sheegeen in ay ku dhinteen laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa shacab, halka Afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, waxayna tilmaameen in qaraxaasi ay ku dileen in ka badan 20 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis (Xildhibaan) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Gaarigan inuu ku soo socday Muqdisho, nuuciisana uu ahaa PREMIO.

Wuxuu sheegay C/casiis (Xildhibaan) in Shabaab aysan qaraxaasi ku dilin 20 Askari, keliyana ay ku dhinteen laba qof oo mid ka mid ahna uu ahaa Askari , tiro kale oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen.

Koontaroolka Siinka dheer oo gaadiidka Muqdisho soo galaya ay soo maraan ayaa si adag waxaa loogu baaraa gaadiidka, waxaana ciidanka NISA ay xoojiyeen feejignaanta dhanka baarista ah ee gaadiidka ay ku hayaan.