165 maxaabiisa oo muqdisho laga soo dajiyey

0

Duljoog– Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa laga soo dajiyay 165 dhalinyaro Somaliyed kuwaasi oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya.

Maxaabiistaan ayaa la sheegay inay iyaga doorten inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, kadib markii dhibaatooyin kala duwan ay ku qabsadeen gudaha dalka Libya.

Safiirka Somaliya ee Yurub Amb. Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay dhalinyaradan inay yihiin kuwa ku jiray xabsiyo kala duwan oo ku yaalay gudaha dalka Libya.

Dhalinyaradan oo u waramay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalkoodii hooyo.

Muddo ayeey sheegeen inay ku dhibtoodeen xabsiyada dalka Libya oo ay kala kulmeen tacadi kala duwan oo ay u gaysteen kooxaha magafayaasha dalka Libya ku sugan.

Maxaabiistaan maanta dalkooda hooyo dib loogu soo celiyay ayaa waxa ay qayb ka yihiin tiro maxaabiis ah oo horay Dowladda Federalka Somaliya ay u keentay Magaalada Muqdisho.