RW Kheyre oo Shir Caalami ah uga Qeyb Galay Maraykanka + SAWIRRO

0

Washington ( Duljoog)- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre , ayaa  dalka Mareykanka uga qeyb galay shir looga hadlayay maareynta dhibaatooyinka iyo xasiloonidarada ka jirta Soomaaliya.

Shirkan oo lagu qabtay Magaalada Washington ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka,waxaana diirada lagu saarayay qodobo ay ka mid ahaayeen waxka qabashada Saboolnimada, rabshadaha mararka qaar dalka ka dhaca iyo sidii looga gudbi lahaa.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galayay madax ka socotay badi Wadamada Caalamka iyo Wakiilo matelayay Hay’addo Caalami ah,kuwaas oo ka dooday amnidarada ka jirta waqtigaan meelo badan oo caalamka ah iyo sida xal looga gaari karo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shirkaas uga qeyb galaya Soomaaliya ayaa wax laga weeydiiyay Arrimaha Bani’aadanimada, Amnidarada, Masuq maasuqa iyo maareynta habka dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn shirka ayaa la filayaa in Maalinta Berito ah oo ku beegan 7 bisha Maarso la soo gaba gabeeyo,waxana Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la kulmi doonaa Madaxda shirkaasi soo qaban qaabisay ee ka socota Bankiga Aduunka.

http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/03/
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn

http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/03/
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn

http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/03/
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn