18 sano kadib ayaa lagu wadaa in downlada Canada dib usoo tarxiisho wiil Soomaali ah oo dalkeeda kunoolaa. +Sababta

0

Canada (D. M. Network) – Wiil qaxooti  ku ahaay mudo badan dalka Canada  oo Soomaali  ah aya lugu wada in  dib  loogu soo tarxiili doono Soomaaliya maalinta Arbacada ah oo kiiskiisa la dhageysan doono.

Cabdul Cabdi, oo 24 sano jir ah, oo ku soo barbaaray xannaanada carruurta Nova Scotia laakiin aan la siinin dhalashada Canada, ayaa waxaa xiray Hay’adda Adeegyada Xudduudaha Canada kadib markii uu shan sano oo xabsi ah soo dhameestay ninkaan ayaa dembiyo badan  ka galay wadankaan mudadii uu joogay.

Qof cilmiga-bulshada ku xeel dheer  oo la socday kiisaska Cabdi wuxuu sheegay in uu Canada yimid isagoo 6-sano jir ah waxaana 31-jeer uu udhexeeyey guryo kala duwan oo uu kusoo koray.

 Cabdul walaashii, oo magaceeda la yiraah Fatuma, ayaa sheegtay  in maamulka Nova Scotia ee   u adeega bulshada ay ku fashilmeen  in iyada iyo walaalkeed   la siiyo jinsiyada dalka Canada.

Waxaa lugu wada in la dhageesto dacwada  Cabdi   ayada oo goobjoog ka yahiin  laanta socdaalka iyo qaxootiga dalka Canada saacadu markay ku beegantahay koowda ama todobada saac ee duhurnimo xiliga magaalada Toronto