“Haddii aadan downlada garab istaageenin, qaska iyo dhibaatada kadaa” Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre

0

(Duljoog News) _ Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ka jeediyey qudbad casho sharaf xalay xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu qabtay mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan hormarka .

Ra’iisul Wasaarahu waxa uu  shacabka Soomaaliyeed ka dalabay in Dowladda Federaalka ay kala shaqeeyaan sidii lo dhameystiri lahaa Dastuurka, Nuuca Doorasho ee dalka uu yeelanayo, sidoo kale Arrimaha Cadaaladda, Horumarka dalka iyo wax walba oo ku quseeya dib u dajinta, iyo dhiska dalka.

Taageero buuxda ayey dowladu uga baahantahay shacabka soomaaliyeed, sidaas waxaa yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

‘’Shacabka waa in ay taageero buuxda siiyaan dowladda, cidii aanan Dowladda garab istaageyninna keliya waa in ay joojiso qaska iyo dhibaatada’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Sida qorshaha uu yahay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa 28-ka March ee sanadkan waxa ay isugu tagayaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo lagu qaban doono shir looga hadlayo dhameystirka Kheyraadka dalka iyo Arrimaha doorashooyinka la xariira.