Afar soomali ah oo lagu xiray Gobolka Koonfur Bari ee Malta

0

Marsa ( D. M. Network ) – Afar soomali ah ayaa waxaa lagu xiray  Gobolka Koonfur Bari ee Malta kadib markii bilayska wadankaas ay baaritaan lagu baarayey maandooriyaha ama mukhaadaraad ay ka sameeyeen xaafadaha ay wiilashaan soomaaliyeed degenaayeen ee magaalada Marsa.

Saraakiisha bilaysku waxay kormeereen gaari ay isticmaalayeen raggaan soomaalida ah, waxaana ay ku qabteen dhowr bac oo ay ku jiraan xashiish, kuwaas oo diyaar u ahaa inay ka ganacsadaan.

Afarta nin ee da’doodu u dhaxayso 22 iyo 26, ayaa lagu xiray meel u dhow guriga kawaanka ee  Marsa.