(Akhriso) Al-shabaab oo dameero ku toogtay gobolka bakool iyo dadkii waday + Sababta keentay.

0

(Waajid – DMN ) – Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa toogasho ku dishay sagaal dameer oo ay sheegeen in ay alaab u gudbinayeen  gobolka Bakool oo ay dowladu maamusho.

Ilaalada amaanka ayaa u sheegay laanta English ka ku hadasha ee VOA in ay Al-shabaab qabteen dameeraha goor sii horeesay Arbacadii meel u dhow tuulada Elboon, oo 15 kiiloomitir galbeed kaga beegan Wajid.

Al-shabaab ayaa toogtay dameeraha iyo laba qof oo la afduubay kuwaas oo la socday gaari, ilo ayaa sheegay. sababta labada nin loo dilay ilaa hada lama yaqaan.

Qof deggan magaalada Waajid oo aan dooneynin in la magacaabo sababo amniga ah ayaa isla laanta ku hadasha afka English ee  VOA u sheegay in Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen alaabtii iyo rarkii dameeraha. Dameeraha ayaa u waday sonkor, bariis iyo bur  Wajid, dadka degganka ku sugan ayaa sidaas yiraahdeen.

Al-Shabaab ayaa ku soo rogtay bandoow hareeraha magaalooyin dhowr ah oo ay maamusho dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika.

Habka kaliya ee alaabta loo wado Wajid iyo dhowr magaalo oo kale ayaa ah inay isticmaalaan dameeraha si ay u soo galiyaan alaabta.

Xukuumadda Soomaaliya iyo Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa wacad ku maray in ay soo afjarayaan go’doominta, laakiin dhowr magaalo oo ku yaalla gobollada Bakool, Baay, Hiiraan, Galgaduud iyo Hiiraan ayaa wali hareerahooda waxaa wali kusugan dagaalyahanada Al-shabaab.