Akhriso Magacyada Wasiiradda Cusub ee Madaxwayne Xaaf

0

Madaxwaynaha Xilkiisa lagu muransan yahay ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray Liis ay ku qoran yihin 25 Wasiir oo Maamulkiisu yeelan doono waxaana ka dhaxmuuqda Magacyo Xaaf agtiisa ku wayn sida Saciid Siyaad Shirwac oo markale adkaystay booska laga maamulo Dhaqaalaha Galmudug waa Maaliyadee iyo Xubno kale, Magacaabista Wasiiradaan oo Xaaf waqti bad1an ka qaatay ayaa waxaa hareeyay Khilaafka kala dhaxeeyay markii hore ku Xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Dhusamareeb Xilalka looga qaaday halka Xaafna Cadaado looga qaaday,

Xilka qaadista Xaaf ma ahayn mid Saamayn baban ku yeelatay Ganacsadaha waa yeelka ah, waxaana Dhusamreeb lagu doortay Gudoomiye Baarlamaan oo kasoo galay dhanka Wadaada Ahlusunna, waxaase kadib Dhusamreeb ka dhashay Buuq la xariira qaybsiga Wasiiradaha Waraaqda Hoose ku qoran,

Kursiga Muranka wayn dhaliyay ayaa ahaa kan Amniga oo uu doonayay Saadaq Sheekh Yusuf oo kamid ah Wadaadada Ahlusunna kuwooda ugu saamaynta badan waxaana Xaaf ku Cadaadinayay in uu Saadaq keen Wasaaradda Amniga Wadaadka Ruuxiga ah ee Golaha Ahlusuna Macalin Maxamuud sida ay ii Xaqiijiyeen ilo ka ag dhow, balse taas waxay keentay in Beeshii Kursigaan horay ugu fadhiday ay ka carootay in Kursigaan la dhaafiyo waxaana ka dhashay Dhaq dhaqaan Siyaasdeed oo markii Danbe keenay in Xaaf Mooshin ay ka gudbiyaan Xildbibaano badan oo kaso galay dhanka Ahlusunna.

Ugu dambayse waxaa Muuqata in Xaaf Ducaale ku dhawaaqay Gola Wasiiro oo aan la ogayn sida wax uga badali karaan Xaalka Siyaasadeed e Cakiran ee Maamulkiisa, waxaana xusid mudan in Wasaaradaha qaar loo dhiibay Shaqooyin dheeri ama Hal Wasaarad loo kala qaaday dhowr qaybood sida Wasaraddii Gargaarka iyo Naafada oo hada laga dhigay labo qaybood oo kala ha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka iyo Wasaaradda Daryeelka Naafada iyo Agoonta, Wasiiradaha Xaaf waxaa ka dhexmuuqada labo haween ah oo kaliya waana tiro ka yar intii Haweenku ka heli jireen Wasaaradaha Galmudug.

Hoos ka Akhriso Liiska

  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn

  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn