Akhriso:-Maxaa Looga Hadlay Kulankii Ugu Horeeyay Ee MD Farmaajo & Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir?

0

Muqdisho (Duljoog)- Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ,ayaa lagu soo waramayaa inuu Xalay kulan gaar ah la Qaatay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ahaa mid albaabada ay u xirnaayeen, ayaa waxaa la sheegay in arrimaha looga hadlay ay ugu Muhiimsanaayeen arrimaha ammaanka iyo sidii door ay uga qaadan lahaayeen Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dowladda Somaliya ayaa wado qorshe ku aadan suggida ammaanka Magaalada Muqdisho iyo ka hortagga weerarada Shabaab, waxayna isku xireysa dowladda Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha ciidamada.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir inay la shaqeeyan Talisyada ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Degmada si la isaga kaashado ammaanka guud ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Somaliya ayaa sidoo kale Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir u sheegay inuusan jiri doonin isbedel deg deg ah oo la qorsheynaayo in lagu sameeyo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.