Al-shabaab oo weeraro ku dishay ilaa 11 qof Soomaaliya meelo ka duwan

0

(DMN – Mogadishu ) – Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay weerarro isdaba joog ah oo ka dhacay Soomaaliya Jimcihii, iyadoo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sugan yahay Uganda asoo isku dayaya in uu kor u qaado taageerada Midowga Afrika ee dadaalka nabadgelyada dalka aan wali xasilooni dhab ah aysan ka jirin.

Dagaalyahannada al-Shabaab ayaa weeraray ciidamo ku sugnaa meel Afgooye ujirta  ilaa 30 KM oo ku yaalla bannaanka Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen lix qof, oo ay ku jiraan saddex askari, sidaana waxa sheegay bilayska.

“Naftii hure ayaa ka danbeeyey dilka saddex askari iyo saddex qof oo rayid ah iyo dhaawacyo dhowr ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan bilayska Soomaaliya Mahad Yare.

Dhanka kale, xagjiriin xooggan oo hubeysan oo ku labisan dharka ciidanka ayaa weeraray xaafadaha degmada Balcad, sarkaal ka tirsan bilayska maxalliga ah Axmed Nuur ayaa sidaas yiri.

Saddex sarkaal oo bilays ah iyo laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay weerarkaas, oo ay ku jiraan todoba ka mida Al-shabaab.

Al-shabaab waxay awoodeen in ay si kooban u qabtaan xafiisyada dawladda halkaa oo ay sidoo kale sii daayeen tiro maxaabiis ah oo kujiray xabsiga degmada, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah odeyaalka deegaanka ah, oo aan waydiistay in la magacaabo.

Dhibaatada ka imanaysa labada weerar, oo al-Shabaab ka sheegatay Radio Andalus, ayaa sii kordhi kara.

Al-Shabaab, oo doonaya in ay dhisto dawlad Islaami ah oo Soomaaliya ka jirta, ayaa si joogta ah u weerara dhismayaasha dawladda, hoteelada iyo makhaayadaha ee ku yaala geeska Afrika.

Bishii Oktoobar, in kabadan 500 oo qof ayaa la dilay markii qof naftii hure ah uu isku qarxiyey iskooska soobe ee magaalada Muqdisho.

Jimcihii, shan boolis Kenya ayaa sidoo kale lagu dilay weerar lagu tuhmay al-Shabaab.