Alshabaab oo Burburiyay Anteenadii Safaricom ee Mandheera

0

Mandheere ( Duljoog)- Wararka ka imaanaya Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dablay la tuhunsan yahay inay ka tirsan Al-Shabab ay weerar ku qaadeen baro ay ciidamada amniga Kenya ku leeyihiin magaalada Fino oo ku taal inta u dhaxaysa Mandera iyo Lafey.

Wararka aynu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya inay jiraan askar dhimatay kadib weerarkaas.

Ragga weerarka soo qaadday ayaa sidoo kale la sheegay inay burburiyeen anteenadii shirkadda Safaricom.

Ururka Al-Shabab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weerarrada ka dhaca degaannadaas Waqooyi Bari Kenya.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay ka tageen dhanka Soomaaliya isla markaana durbadiiba ay ku soo laabteen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaladu ay tahay mid degan balse Ciidamada Kenya ay wadaan dhaq dhaqaaq,isla markaana dadka Shacabka ah ay cabsi dareemayaan.

 

W/D. Abdirahim Dahir Malin