Alshabaab oo dib uga baxay balcad iyagoo dhac iyo burbur ugeystay xarumo kuyaal balcad

0

Wararka ka imanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen degmada Balcad, kaddib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo maanta barqadii qabsaday degmadaas.

Dagaal aan waqti dheer qaadan kaddib ayaa suurto galiyay in ciidamada dowlada ay dib ula wareegaan gacan ku haynta degmadaas oo saacado ay haysteen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Mudadii ay ku sugnaayeen degmada Balcad ayay maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay gubeen xarumihii dowlada iyo ciidamada ku lahaayeen degmada Balcad sida Saldhigga Booliska,Xarunta Maamulka degmada Balcad iyo xarumo kale.

Sidoo kale ururka Al-shabaab ayaa gubay gaadiid ay dad rayid ah leeyihiin iyo weliba idaacad Private ama si gaar ah loo lahaa oo ku tiil degmada Balcad.

Al-Shabaab ayaa khasaare xooggan gaarsiiyay Kolonyo Ciidamada AMISOM la socdeen oo sahay siday oo ay ku weerareen duleedka Balcad, waxaana la sheegay inta badan kolonyadaas inay gubeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo dhowr ah oo ka tirsan AMISOM lagu dilay weerarkaas.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo warar horudhax ay sheegayaan in dagaalka ka dhacay Balcad ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah.