Banaabax ka dhacay Xafad Kamid ah Muqdisho

0

Muqdisho ( Duljoog)- Dibad-Baxayaal Careysan ayaa Isku soo Baxay Xaafada Kaawa godeey qeybta degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir Iyagoo Inta Badan Xiray Wadooyinkii Soo galaayay iyo kuwii ka baxayaya Xafada.

Dadka banaanaxa dhigaya ayaa waxa ay ka cabanayeen in aan waxba laga qaban dil dhawaan loo geystay Sarkaal ka Tirsan ciidanka dowladda oo tababare ciidanka ka ahaa Dugisga tababarka Jasiira ee Degmada Wadajir.

Dhammaan waxaa xiran Goobihii Ganacsiga Xaafada Kaawa Godey qeybta degmada Dharkenley,iyada oo Ganacsatada iyo dadka degan Xaafadaas ay ka qeyb qaadanayaan banaanbaxa.

Banaanbaxayasha qaarkood oo aan la hadlay Duljoog yaa waxa ay sheegeen in dilka Sarkaalkaas ay ka dambeyeen Ciidamo ka tirsan dowladda iyaga oo sheegay in ay dileen Nin tuug ahaa sida ay hadalka u dhigeen,mana jirto warar Madax banaan oo xaqiijinaya.

Weli majirto cid ka tirsan Maamulka degmada Dharkenley oo dadkaasi la hadashay,si ay banaanbaxa u joojiyaan isla markaana cabashadooda ka jawaabtay.