Barcelona iyo Chelsea oo ku dagaallamaya da ‘yarka Faransiiska

0

Willem Geubbels ayaa  diiday in uu ku biiro kooxda Lyon.  Wiilkan Faransiiska ah ayaa waxaa isha ku haaya ciyaartoyda sida Barcelona, ​​Chelsea, Arsenal iyo Bayern Munich.

Haatan kooxda ka dhisan Yurub ayaa fursad u heli doonta inay la saxiixato 16 jirkaan heshiis ka dib markii uu diidey inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxdiisii ​​hore ee Ligue 1.

Madaxa Lyon Jean Michel Aulas ayaa dhawaan sheegay in kooxdu ay soo bandhigtay dalab weyn oo ku aadan saxiixa lacago iyo mushahar, lakiin waxa ay u muuqataa inaysan ku filneyn Willem Geubbels.

Weeraryahankan ayaa waxa uu ku xiran yahay qandaraaskiisa inta laga gaarayo dhalashadiisa ilaa 2019.