Booliiska Wadanka Cyprus oo baadigoobaya hooyo soomaaliyeed iyo labadeeda caruur oo la weysanyahay.

0

(DMN ) – Bilayska wadanka Cyprus, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Nicosia ayaa sheegay Jimcihii inay raadinayaan halka ay ku suganyihiin haweeney 24 jir ah oo ka timid Soomaaliya iyo labadeeda caruur, kuwaas oo la sheegay inay ka maqan yihiin gurigooda Nicosia tan iyo Talaadadii.

 Haweeneydaan waxaa lagu magacaabaa Warda Xasan Waaberi taas oo ay la joogeen wiilkeeda oo lix-jirka ah iyo gabadheeda oo saddex jir ah markii la weynaayey.

Haweeneydaan 24 jirka ah waa 1.65 meter, dhererkeeda qaabdhismeed ka jirkeeda waa caadi oo leh indho bunni ah iyo tin madoow ah.

Bilayska waxay ku boorinayaan qof kasta oo gacan ka geysan kara helitaanka haweeneyda iyo caruurteeda inay soo wacaan Nicosia CID oo ah 22-802222 – 22802231 ama khadka telefoonka ee 1460 ama saldhiga bilayska ee kuugu dhow.

Fiiro gaara Akhristayaal: Fadlan Duljoog wax ay kaa codsaneysaa in aad sii “share-gareesid” laga yaabee qaraabadooda Soomaliya in aysan ka warqabin.