Cabsi xoogan oo ka jirta degmada balcad iyo gabi ahaan ganacsigii oo istaagay

0

Balcad ( D. M. Network) – Wararka aan ka heleeno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalad cabsi ah ay ka jirto, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in mar kale degmada ka dhaco dagaal, kaddib markii la dareemay saan saan ku aadan in Al-Shabaab ay soo weeraraan.

Gabi ahaan ganacsiga degmada ayaa albaabada loo laabay, iyadoo uu yaraaday isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana meelaha qaar laga soo sheegayaa barakac.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in dadka ay ka cabsi qabaan in mar labaad Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadaan Balcad.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug ayaa lagu arkay isagoo lugeynaya bartamaha degmada Balcad, waxaana uu shacabka kala hadlayay inay is dejiyaan oo ay ganacsiga dib u furaan.

Al-Shabaab ayaa ku sugan tuulooyinka u dhow dhow Balcad oo ay ka taageen calankooda, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegeen in mararka qaar ay u soo jirsadaan illaa 10 KM.

Maalintii jimcihii ayay aheyd markii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Balcad, isla markaana saacado la wareegeen, waxaana Balcad ay xilligan wajaheysa xaalad adag 7 sano kaddib markii Al-Shabaab laga saaray sanadkii 2011.