Ciidamo katirsan Jubaland oo Ku Biiray Xarakada Alshabaab

0

Kismaayo (Duljoog)- Al-Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen lix Askaro oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo balse sida ay sheegen isku soo dhiibay.

Al Shabaab waxa ay sheegeen askarta isa soo dhiibtay inay ku hubaysnaayeen qoryaha Ak 47 iyo Boosashkooda,sida lagu baahiyay Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab.

In kastoo aysan aheyn wax cusub in Al-Shabaab ay baahiyaan in ay isku soo dhiibeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland ayaa hadana Saraakiisha ciidamada Jubbaland ee Gobolka Gedo oo aan la xiriirnay si arintaan aan uga xaqiijiyo aysan inoo suuragelin.

Al Shabaab ayaa dhawr mar sidana oo kale askar kala duwan ugu soo bandhigay deganada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo ay sheegeen inay ka soo goosteen Maamulka Jubbaland.