Ciidanka Dowlada oo Gacanta Ku Dhigay Askari Dilay Qof Shacab ah

0

Muqdisho (Duljoog)- Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaaliya Ayaa Xalay Fiidkii Dil bareer ah u gaystay Darawal mooto bajaaj agagaarka Isgoyska taleex ee Magaalada Muqdisho.

Dilka ka hor ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegeen in askariga iyo Darawalka mooto bajaajka oo lagu Magacaabi jiray C/llaahi Geedow uu muran dhexmaray sidaas Askarigii uu darawalkii ku toogtay.

Dhaawac ahaan ayaa loogu qaaday Isbitaalka Daaru-Shifaa oo aan ka fogeyn goobta uu falka ka dhacay kaas oo ugu dambeyn uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

 Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa mudo saacado ah kadib waxa ay sameeyeen howlgal iyaga oo Gacanta ku dhigay Askarigii ka dambeeyay dilkaas isaga oo doonayay in uu baxsado sida ay Duljoog.com u sheegeen qaar ka mid ah Darawalada Mootooyinka Bajaajlka isla markaana saaxib la ahaa Darawalka la dilay.Waxaa Wararka aan heleyno ay sheegayaan in Askarigii dilkaas geystay uu iminka ku xiran yahay saldhiga degmada Waaberi sidoo kale meydka darawalkii Mooto bajaajka la geeyay hoygiisa oo ku yaalla degmada Shibis.