DAG DAG: Dagaalka Ka dhacay Gobolka Togdheer

0

Togdheer ( Duljoog)- Wararka ka imaanaayo Gobolka togdheer Magaalada Buuhoodle ayaa la sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyo labo maleeshiyo Beeleed kaas oo uu ka dhashay qasaaro isugu jiro dhimasho iyo Dhaawac.

Dagaalka oo muddo Saacado ah qaatay ayaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Buuhoodle ee gobolkaasi.

Ugu yaraan 3 Qof ayaa ku Geeriyootay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale oo u badnaa dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.

Maleeshiyaadka dagaalamaya oo Reer Miyi ah ayaa la sheegay in isku hayaan dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Dadaalo nabadeed oo ay wadaan maamulka gobolka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ka socda magaalada Buuhoodle, si looga hortago dagaalkaasi.

Xiisada ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanku la sheegay in ay bilaabeen Barakac, si ay uga foogaadaan waxyeelo ka soo gaartay dagaalkaasi.