Dagaalkii shabeelaha hoose oo sii xoogeystay iyo Al-shabaab markale dagaal rogaal celin soo qaaday?

0

(Duljoog News) – Dagaal xoogan oo u dhaxeeya AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ayaa ku dagaallamaya degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo saaka ay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM gacan ku heynteeda ay la wareegeen.

Ciidamada iskaashanaya ayaa saaka howlgalkaasi qabsaday degaannada Mubaarak,Daarusalaam iyo Ugunji oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Al-shabab  ayaa isaga baxay kaddib howlgalka waxaana ay kaddib ku qaadeen weerarro rogaal celis ah iyada oo ay hadda ku dagaallamayaan degaannadaas.

Al-shabaab waxaa ay sheegtay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay taageero ka heliyaan diyaarado ka soo duulay Garoonka Diyaaradaha ee Balli-doogle iyo Ciidamo dhulka ah oo ka baxay Magaalada Muqdisho.

Isku day xiriir oo aan la sameynay Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa wali inoo suurtagelin,waxaana idin soo gudbin doonnaa wixii warar kusoo kordha dagaaladaas iminka kasoconaya shabeelaha hoose.