Darawalkii Mid ka mid ah Gudoomiyaasha dagmooyinka Muqdisho oo si bareer ah loo toogtay

0

Muqdisho ( Duljoob)- Wararka ka imaanaayo Muqdisho ayaa sheegaayo in  goordhaw xaafad ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir lagu dilay Darawalkii Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil.

Sida aan wararka ku helnay Dilka Darawalkan Gudoomiyaha Kaxda oo lagu magacaabayay Cabduqaadir Carab ayaa waxaa geestay askari kamid ahaa ilaalada Gudoomiyaha Kaxda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dilka uu sabab u ahaa is maan dhaaf soo kala fhax galay Darawalka iyo askariga dilka geestay, lamana oga wali wax ay isku qabteen labadan nin.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in uu jiro dilka loo geestay darawalkiisa, waxa uuna intaa raaciyay in dilkaasi uu ku dhacay qaab kam ah ayna socdaan baaritaano.