Deg Deg: Nin askari toogtay oo la toogtay

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay toogteen nin hubeysan.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Ninka la dilay ayaa la socday Kooxo hubeysan oo dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa isgoyska Afarta Jardiino.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in mid mid ah ragga dilka u geystay Askariga ay Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

Ciidamo ka tirsan Saldhigga degmada Yaaqshiid ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay baaritaano ku waddaan ninka la dilay iyo midka la qabtay.