DegDeg:Madaxwayne kuxigeenka Galmudug oo Cadaado Gaary

0

waxaa goordhaw magalada Cadaado ee Xarunta Baarlaamaka Galmudug gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxwayne kuxigenka Galmudug oo maalmahan kusugnaa magaaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduug.
Madaxwayne kuxigeenka ayaa waxaa duleedka magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Madaxada Maamulka Degmada Cadaado,qaybaha bulshada rayidka Cadaado,wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka GALMUDUG.
Maxamed Xaashi Cabdi Madaxwayne kuxigeenka Galmudug ayaa waxaa khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyaa madaxwaynaha Galmudug kaa oo kusugan Magalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Galmudug ayaa muddo sanad kabadan wajahaysa khilaaf udhexeeya mudo sanada kaa oo salka kuhaya sida loo hirgalinayo heshiiskii ay ahlusuna iyo Galmudug kuwada gaaareen sanadkii 2017 wadalka Djibouti.
sidoo kale waxaa goordhaw lafilayaa in wafdi uu hogaaminyayo gudoomiyihii Shalay xilka ay kaqaadeen xildhibanada Alusuna ee Galmudugta Duusamareen Mudane Cali Gacal Casir inuu sooo gaaro Cadaado kaa oo diiday in xilka laga qaaday uuna gudoomiyaha rasmigaa ee Baarlamanka galmudug.