(Dhageyso) Ciidamo Soomaliland Katirsan oo isku soo dhiibay kuwa Puntland Waa maxay sababta?

0

Buuhoodle ( Duljoog News)-Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Soomaaliland ay u goosteen dhanka Puntland.

Illaa iyo 160 Askari ayaa lagu soo warramayaan in ay ka soo goosteen Ciidamada Soomaaliland, islamarkaana ay isku dhiibeen maamulka Puntland.

Waxaana Ciidamadaasi si weyn loogu soo dhaweyay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Gar’adag oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa Ciidankaasi ayaa sheegay in ay ka soo ambabaxeen deegaanka Caraweyn ee G/ Sool.

Waxaana uu tilmaamay in ay ku biireen haatan wixi ka dambeeya Ciidamada maamulkaasi Puntland.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.