Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda shabeelaha dhexe + Sababta

0

Balcad ( D. M. Network ) – Ciidamada DFS Soomaaliya ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada deegaano u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkayeen Gawaarida dagaalka iyo Ciidamo ka tirsan kuwa milariga oo howlgallo ka wada duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi.

Waxaana ay intaasi ku dareen in ay ka cabsi qabaan in dagaallo ay ka dhacaan halkaasi, maadaama ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeedo.

Dhawaan ayey ahayd markii Saacado kooban Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe.

Waxaan tan iyo markaasi laga dareemayay gobolkaasi saa saan colaadeed iyo abaabulo dagaal oo halkaasi ay ka wadaan dagaalyahannada Al Shabaab iyo Ciidamada milateriga Soomaliya.