Dhegeyso: Qarax la la beegsaday ciidama DFS oo ka dhacay degmada yaaqshiid.

0

Muqdisho (D. M. Network ) -Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya lagu soo warramayaa in goor dhow qarax xoogan lagula eegtay degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada Dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Gaari Kaarib ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, xilli ay marayeen nawaaxiga Miisaanka Dhuxusha ee degmadaasi.

Xasan Xuseen Waasuge oo ah guddoomiye Waaxeed ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay 1 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada DFS.

Sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa afar Qof oo kale oo ka mid ah dadka deeegaanka.

 

Hoose ka dhageyso codka warkaas ku saabsan: