Dhusamareeb: Ciidamo la wareegay Guriga Madaxwayne Xaaf

0

Waxaa xalay 3dii habeenimo xiligii dambe guriga uu kadaganyahay Magalada Dhuusamareb ee Caasimada Galmudug madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf lawareegay Ciidamo u abaabulan qaab maliishiyo beeleed kuwaa oo ilaa hada ay uxiranyihiin irdaha laga galo gurigaasi.

Ciidamadan gadoodka sameeyay aya carooday kadib markii xalay madaxwaynaha waxa uu ugu yeeray wasiiro inuu kudhawaqo damcay kuwaa oo kahor yimid xil wasiir oo beeshooda loo qoondeeyay,waxayna sheegeen inaysan mudnayn xilka loo magacabay balse taa badalkeeda ay leeyihiin wasiirka amniga Galmudug oo markii hore beeshaasi kufadhiday.