Duqa Muqdisho oo Eedeyn Kulul usoo Jeediyay Hay’adaha Gargaarka

0

 Muqdisho ( Duljoog)- Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa Maanta muqdisho waxa uu ka furay  Shirka wadatashi ah oo looga hadlayo Arrimaha Barakacaayaasha iyo Qaxootiga soo laabtay.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah,Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Saadaq C/llaahi Cabdi iyo Xubno ka socda Ururada Bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii loo garab istaagi lahaa dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Muqdisho kuna heli lahaayeen xuquuda ay leeyihiin.

“Maamulka Gobalka Benaadir, isagoo ka duulaya masuuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay deegaanadoodii, wuxuu maanta qabtay shir looga tashanayo mustaqbalkooda, maadaama qorshuhu yahay in barakacayaasha Muqdisho sanadka 2020 xal waara loo helo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada iney ka qeybtaan qaataan sidii dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabanaya wax loogu qaban lahaa,waxa uuna ku eedeeyay Hay’addaha ka Shaqeeya dhanka Gargaarka in mararka qaar aysan wax u maareyn sidii loo baahnaa.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa sidii wax loogu qaban lahaa Dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku soo laabanaya magaalada Muqdisho iyo sidii xuquudooda saxda ah u heli lahaayeen.