Emirate-ku dhalinyaradii waa laayeen + Warbixin

0

Muqdisho (Duljoog)- Kani waa Cabdulaahi Axmed Jimcaale, wuxuu ahaa 26 jir ku shaqeysta gaadiidka Bajaajta, wuxuu daganaa xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho , caawa waa Meyd-bari.

Ciidamada ay Emirate-ku maamulaan ee dagan dagmada Hodan ayaa maanta duhurkii toogtay isagoo wata Bajaajtiisa xili uu marayay aaga warshada Caanaha, dhaawac culus oo soo gaaray ayuu ugu dhintay isbitaalka Digfeer.

Wuxuu ahaa qof u xamaala reerkiisa gaar ahaan hooyadii Canbaro Ciise madaama uu aabihii dhintay, dhalinyarada xaafada Carafaat ayaa ii sheegay inuu shalay uun Bajaaj cusub iibsaday si uu shaqadiisa u hormariyo inkastoo uu Bajaaj hore wadan jiray.

Asbuuc ka hor ayey sidaan oo kale u toogteen wiil madi ahaa oo Bajaaj watay. Ciidamada ay Emirate-ku maamulan oo ah kuwo aad u hubeysan ayaan hoos tagin Dowlada Somalia, ma jiro qof Soomaali ah oo lagala xaalo dhibka ay geystaan.

Allaha u naxariisto Cabdulaahi Axmed Jimcaale.

W/D. Cabdullahi Cusman Farah