Faah-faahin: Ganacsade Caan ah oo caawa lagu dilay degmada xamar-weyne ee G/banaadir

0

Xamar-Weyne (D. M. Network) – Rag hubeesan ayaa lagu soo waramayaa in ay caawa deg-mada xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, ay ku dileen ganacsane si weyn looga yaqaano degmadaas.

Goobta lagu dilay ganacsadaha ayaa ah suuq-yaraha Koodka ee kuyaala gudaha degmada Xamar-weyne, halkaan oo marxuumku kulahaa dukaan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo ka koobnaa labo nin oo wada socday ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaas isugu soo baxay dilka ka dib dad shacab fara badan.

Ninka la dilay oo la oran jiray Muuse Yackood ayaa waxa uu ka ganacsan jiray cuntooyinka gasacadeesan oo ay isticmaalaan ciidamada AMISOM, sida goobjoogayaal sheegeena waa sababta loo dilay ganacsadaas.