Faah Faahin Kasoo Baxayso Dil Ka Dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Duljoog)- Arroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa kooxo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bustoolado waxa ay shaqsi ku dileen Xaafada Ex koontorool Balcad ee degmada Hurwaa gobolka Banaadir.

Shaqsiga  la dilay ayaa dadka Xaafadaas ku nool waxa ay magaciisa ku sheegeen  Cumar Geelle waxa uuna ka mid ahaa xubin Maamulka degmada Hurwaa kala Shaqeyn jiray dhanka Cayaaraha ama Kubadda Cagta balse saakay la dilay.

Xiliga la dilayay Cumar Geelle ayaa la sheegay in uu fadhiyo Goob maqaaxi ah oo uu shaah ka cabayay taas oo ku taalla Isgoyska Ex koontorool Balcad,waxana goobta ka baxsaday dadkii ka dambeeyay dilkiisa.