Farmaajo: Waa in aan kordhinaa duqeynta ka dhanka ah ururka Al-shabaab

0

Muqdisho (Duljoog News) – Maxamed C/laahi Farmaajo, madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in la sii kordhinaayo duqeymaha ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee lagu beegsanaayo dhamaan saldhigyadooda.

Farmaajo oo  BBC wareysi siiyey, ayaa wuxuu sheegay, iyadoo laga duulaayo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee dowladda Somaliya ku jirto in la kordhinaayo duqeymaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa yiri Waxaan dalalka caalamka ka codsan doonaa in ay sii xoojiyaan duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxa uu sidookale sheegay Madaxweynaha duqeynta lala beegsanaayo Shabaab in laga taxadaraayo in ay waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah, waxayna arintaasi ka wada hadleen masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka, maadaama Mareykanka ay fuliyaan duqeymaha diyaaradaha.

“Duqeymaha waa dhab waa ay bateen waana ay sii badan doonaan, maxaa yeelay Shabaab iyo argagixiso in aan ka ciribtirno Somaliya muddo kooban, kaliya ma kula dagaali karno ciidanka dhulka ah, mana hayno ciidan cir, Mareykanka waxa ay ii xaqiijiyeen in bartilmaameedkooda uu yahay meelaha ay joogaan Shabaab, si dadka shacabka ah waxyeelada looga ilaaliyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.