Gaadiid Badan Oo Ku Xaniban Duleedka Magaalada Cadaado

0

Cadaado ( Duljoog)- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, gaadiid badan Ayaa ku xaniban duleedka Magaaladaasi.

Gaadiidkaan oo tiro ahaan gaaraya 30 gaadiid ayaa sababta ay u xaniban yihiin waxa ay tahay isbaarooyin halkaasi oo yaala oo kooxihii dhigtay ay doonayaan dadka inay ka qaadaan lacago kala duwan.

Mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka, ayaa sheegay in isbaarada ay tahay mid badan oo lacago kala duwan la Doonaayo in gaadiidka looga qaado, wuxuuna sheegay gaarigiiba in laga rabo lacag dhan $50.

Wadayaasha gaadiidka ayaa waxa ay sheegeen inaysan awoodin bixinta lacagtaasi faraha badan, waxayna dalbadeen In isbaarooyinkaasi wadada laga qado.

Maamulka Galmudug wali kama aysan hadlin Isbaarooyinkaan gaadiidka lagu dhibo ee yaalo duleedyada Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.