Guardiola oo Isha ku haayo Iniesta,Gunners oo Xidigo Fasaxayso iyo Wararkii ugu Danbeeyay ee Wargaysyada

0

Inkaste uu uu Xirmay Janaayo Suuqa Kala iibsiga Ciyaartowda hadana wararka xanta ah ee ay qoraan warbaahinta isboortiga caalamka ma ahan kuwa joogsada, waxaana kooxaha ay durbaba sii bartilmaameedsanayaan xiddigihii ay la wareegi lahaayeen dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Hadaba Duljooh.com ayaa idiin koobayso Wararkii Maanta lagu Daabacay Wargaysyada ka faaloodo Arimaha Isboortiga Caalamka sidan ayuuna u qornaa isagoo Turjumay:

1.Mino Riola ayaa shaaca ka qaaday ineysan jirin wax xurguf ah oo u dhaxeysa Mourinho iyo 24-jirka reer France Paul Pogba. (Rai Sport)

2.Neymar Junior ayaa heli doona hal malyan oo Doolar hadii uu ku guuleysto Ballon d’Or, waana qeyb ka mid ah heshiiska uu kula jiro NIKE. (UOL Esporte).

3.Pep Guardiola ayaa doonaya inuu Etihad Stadium kula midoobo xidigiisii hore Andreas Iniesta kaas oo 33-jir ah. (Mirror).

4.Liverpool ayaa diyaar u ah iney wahadalo heshiis kordhin ah la bilowdo Firmino, Jurgen Klopp ayaana qiray inuu u qalmo xidigaan in lagu sii haayo Anfield. (Metro).

5.Arsenal ayaa diyaar u ah iney iibiso 27-jirka reer Wales Aaron Ramsey, iyadoo kooxda ay ka carareyso inuu xagaaga 2019 si xor ah kaga tago. (Mail).

6.Everton ayaa bartilmaameedka koowaad ka dhiganeysa Jamie Vardy oo ah 31-jir ka tirsan Leicester City xagaaga soo aadan. (Mirror).

7.Xidiga reer Brazil Willian ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo sii joogista Chelsea, 29-jirkaan wuxuu qiray inuu baxayo hadii kooxda ay u sheegto ineysan rabin. (Express).