Gudoomiye Yariisow Oo Caawa Shaaciyay Sababihii Loo Xiray Wadooyinka Muqdisho

0

Muqdisho (Duljoog)- Afartii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa inta badan xirnaa Isgoysyada Waaweyn ee ku yaalla muqdisho xeritaankaas oo ay ka cabanayeen Shacabka Muqdisho ayaa sababihii loo xiray waxaa Caawa sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

“Shacabka ku nool Caasimadda waxaan uga cudur-daaranaynaa maalmihii koobnaa ee sababo la xiriira amniga u xirnaayeen qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan qaraxyo iyo falal amnidarro in ay ka hor tageen laamaha amniga Soomaaliya.

“Waqtigii ay xirnaayeen waddooyinku waxaa laga hortagay falal abaabulan oo kooxaha argagixisadu la doonayeen shacabkeena, sugitaanka amnigu waa masuuliyad weyn oo lagu bad-baadinayo nafta iyo maalka bulshadeenna”