Hay’ada Qaxootiya UN ee Uganda oo keentay qalab cusub si looga hortago been abuurka

0

Uganda ( D. M. Network ) – Hey’adda qaxootiga ee UN qeybteeda ka howlgasha Uganda ayaa waxa ay soo kordhisay qalab cusub oo loo yaqaab “biometric” kaas oo lagu xaqiijinaayo in xogta laga aruuriyo qaxootiga iyo kuwa raadinaayo magangalyada ay sax yihiin. UNHCR ayaa tiri “ Tani waxaan ugu talo galnay in lahubiyo in gargaarka lasiiyo kuwa loogu talo galay oo kaliya balse aan la siin kuwa iyaga been abuurka wax ku raadinaaya”.

Uganda waxa ay heysaa oo difaacdaa qaxooti ka badan 1.4 milyan, kuwaas oo ka kala yimid, Koonfurta Suudaan, Congo, Burundi iyo Somalia. Xukuumada Uganda ayaa lagu amaanay deeqsinimada iyo siyaasada furan oo lagu soo dhaweynaayo dadka ka cararaya is ka hor imaadka dalkooda iyo cadaadiska.

Afhayeen hey’adda qaxootiga ninka lagu magacaabo Babar Balloch ayaa yiri, “qalabkaan waxa uu muhiim u yahay in lagu xaliyo isdhaafsiga  xogta qaxootiga ee hey’ada iyo downlada Uganda. Sidoo kale ayuu yiri “ nidaamkaan cusub ee lagu diiwaan galinaayo qaxootiga waxa uu xaqiijin doonaa in kumanaan qaxooti ah oo maalin waliba yimaada Uganda ay helaan gargaarka ay xaqa u leeyihiin.

Intaas waxa uu ku daray “ Waxyaabaha aan u dirnay dowlada Uganda waxaa ka mid ah eedeeymo khaldan iyo khiyaano iyo musuqmaasug. Waxaa jiray su’aalo badan oo kusaabsan kalsoonidii xogta, oo ka jirta nidaamka diiwaan galinta ilaa iyo sanadkii 2015, kadib markii Uganda ay iyada qaadatay nidaamka diiwaan galinta, ilaa iyo markaas ne waxaa soo saareenay eedeemo.

Ugu danbeentii ayuu yiri Balloch in ra’iisul wasaaraha Uganda uu ka aqbalay dalabkii UNHCR ee ahaa in la dhiso habka ugu danbeeya ee xaqiijinta iyadoo la adeegsanaayo aalada cusub ee “Biometric”. Haddana waxaa bilaabatay in adeegaan lagu diiwaan galiyo qofkastoo qaxooti ah ee yimaada Uganda.