Hirshabeele iyo K/galbeed oo si wada jira uga tacsiyeeyey geeridii ku timid masuulo ka kala tirsan labada maamul.

0

(D. M. Network) – Maamulada koonfur galbeed iyo hirshabeele oo siyaabo kala duwan uga tacsiyadeeyey geeridii kutimid marxuumiin cabdulqaadir abdiraxmaan baraf oo ahaa wasiiru dowlihii amniga maamulka koonfur galbeed iyo Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne oo ahaay xildhibaan katirsan maamulka hirshabeelle.

Labadaan masuul  ayaa galabta ku geeriyooday qarax ka dhacay duleedka Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale waxaa qaraxa miino ku geeriyooday Ilaalada la socotay ee galbineysay kolonyada Wasiiru dowlaha iyo Mas’uuliyiinta kale oo ku sii jeeday degmada Afgooye.

Madaxweyne kuxigeenka hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen  ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu ka muragooday geerida Xildhibaanka iyo Wasiiru dowlihii Amniga ee Maamulka Koofur Galbeed C/qaadir C/raxmaan Cali Baraf.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Dowlad Goboledka Hirshabelle, waxaan tiiraanyada iyo murugada la qeybsanayaa qoyska, ehaladii iyo shacabka Hirshabelle iyo Koofurgalbeed Soomaaliya ee ay ka shahiideen Marxuum Axmed Cabdi Faarax iyo  Marxuum C/qaadir Cabdiraxmaan Cali,”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

Sidoo kale maamulka koonfur galbeed ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheed ee ku timid labada masuul iyo ilaaladii la socotay.

Wasiiru Dowlaha Amniga Koofurgalbeed C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar  ku tagay garoonka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn, balse Wasiiru Dowlaha iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku soo aaday dhanka Afgooye, balse inta ay wadada ku soo jireen ayay la qaraxday Miino dhulka lagu aasay.