Ibrahimović diyaar ayaan u ahay inaan dib u soo celiyo xulka Sweden

0

  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn
Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimović ayaa qirtay inuu diyaar u yahay inuu u ciyaaro Sweden Koobka Adduunka ee xagaagaan marka uu si buuxda uga soo kabsado dhaacihii jilibka.

36 jirkaan ayaa ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii kooxdiisa ay ka soo hartay tartanka Euro 2016, lakiin waxa uu ku jiraa fikradda ah inuu dib ugu soo laabanayo Russia.

Waxa uu yiri: “Waan u xiisay  xulka qaranka. Haddii aan rabo, waan dheelayaa. Waxaan doonayaa inaan dareemo inaan soo bandhigi karo qaab ciyaareed wanaagsan. “Markii aan dhaliyey 62 gool 116 kulan oo uu saftay, shaki kuma jiro in Sweden sii joogi doono joogitaankiisa madaama ay u muuqdaan inay ka soo qalinayaan koox sida Germany, South Korea iyo Mexico.

Ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah, xiddigii hore ee AC Milan ayaa adeegsan kara isbuucyada soo socda si uu dib u soo aalmiiteeyo si  si uu mar labaad ugu soo laabto xagaagan.