Ilaa iyo 70 maxaabiis ah oo Hindiya kuxirnaa oo muqdisho soo gaaray

0

Muqdisho (D. M. Network )- Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday maxaabiis Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Hindiya.

Maxaabiistan oo tiro ahaan gaaraya illaa iyo 70 ayaa laga soo daayay xabsiyo ku yaalla Hindiya, kadib markii ay dhameysteen mudadii lagu xakumay.

Ra’iisul wasare ku xigeenka XFS, Wasiirka Cadaaladda, Xeer Illaaliyaha Qaranka iyo masuliiyin kale ayaa ku soo dhaweeeyay Garoonka Muqdisho.

Dhalinyarada la keenay oo wajiyadoodu ay ka muuqatay farxad ayaa u mahadceliyay dowladda fedefaalka ah ee Soomaaliya.

XFS ayaa horay ugu guuleystay in ay soo deyso maxaabiis fara badan oo ku xirnaa dalal ka mid ah Caalamka, waxaana tallabadaasi soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed.