Kala shaki Xoogan oo ka dhex bilowday Askarta Dowlada ee Muqdisho ku sugan

0

Muqdisho ( Duljoog)- Ciidamada Kala duwan ee Dowlada Somaliya ee Muqdisho ku sugan , ayaa waxaa ka dhex Bilowday Kala shaki iyo Cabsi xoogan oo dhexdooda ah, kadib weerarkii Alshabaab ku qaadeen goobo badan oo muqdisho ah kaas oo  shacab iyo askar badan ku dileen  maalintii Jimcaha, iyagoo wato dareeska Ciidanka Booliiska soomaaliyeed.

Meelaha ugu badan ee Ismaandhaafku ka jiro ayaa ah baraha Koontarool ee gaadiidka lagu baaro, iyadoo saakay aan la ogolayn inay gudbaan askar hubaysan oo dowlada ka tirsan, kuwaas oon wadan aqoonsi ama aan wacan Taliyaha amro ciidanka aqoonsi la,aanta ah.

Alshabaab ayaa dhowr mar adeegsaday Dareeska ciidanka Dowlada soomaliya iyagoo ku hubeysan hubka nuucayadiisa kala duwan, waxayna soo mareen baraha koontarool ee Ciidanka Dowlada soomaaliya marka howgal ay fulinayaan.

Mana ahan markii ugu Horaysay ee Askar alshabaab Katirsan qiyaanada Nucaan ah ay ku halaagaan Boqolaal shacab somaaliyeed, hayeeshee ciidanka dowlada ayaan qudhiisa lagu eedeeyaa inuusan iska warhayn, halka qaarkoodna shirqoolka qeyb ka yihiin shacabka aan waxba galabsan lagu halaago.