Khilaafka Madaxda Galmudug oo waji cusub yeeshay

0

Khilaafka ka dhex taagan Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug ayaa yeeshay waji cusub ka dib markii xildhibaanada ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ay markale ay shaaciyeen in ay waddaan qorshe ay xilka kaga qaadayaan madaxweyne Xaaf.

Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa si weyn uga Carooday Liiska Golaha Wasiiradda Galmudug oo ay iska dhex waayeen ka dib markii uu isku dayay Madaxweyne Xaaf in uu ku dhawaaqo.

Xaaf ayaa Kalsooni Buuxda ka heysata labadda Shaqsiga ugu sareysa dhuusamareeb Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud, waxaana taasi ay keentay xubnaha ay wataan wasiiradda lagu soo daro,islamarkaana laga taggo intii kale horay Ahlusunna uga tirsaneyd.

Sidoo kale Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa waxaa ku jira qaar iska waayey liiska golaha wasiirada cusub, Dhanka kale ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu sunna oo hab beeleed u abaabulan ayaa ilaa xalay dhaqdhaaq ka waday magaalada Dusmareeb, Madaxda Ahlu sunna ayaa isku dayaya in ay qaboojiyaan xaaladan siyaasadeed.