Madaafiic xoogan oo lagu weeraray gobolka shabeelada hoose

0

Afgooye ( D. M. Network ) – Warbixino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar Madaafiic ah oo Xalay ka dhacay deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana la gu soo waramayaa in Al Shabaab Xalay Saqdii Dhexe weerar Hoobiyeyaal ah ay ku qaadeen fariisin Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo warramayaa in dhankooda ay ku jawaabeen madaafiic taasoo wali la ogeenin ay shacabka halkaas ku nool ugeysteen khasaare.

Lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi oo ahaa mid xoogan.

Maanmulka gobolka Sh/ Hoose oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkaasi.

Man jirto weli wax hadal ay oo ka soo baxay labada dhinac ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhasahay weerarkaasi.

Al Shabaab ayaa lagu yaqaanaa had iyo jeer weeraro xoogan ay ka fuliyaan Shabeelaha Hoose oo ay weli gacanta ku hayaan deegaano ka tirsan gobolkaasi.