Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo awaamiir culus duldhigay wasiirada maamulkiisa.

0

Hargeysa ( D. M. Network ) -Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu soo warramayaa in Awaamiir culus uu dul dhigay Golaha Wasiirada ee maamulkaasi.

Warsaxaafadeed uu soo saaray madaxweyne Biixi ayaa looga mamnuucay Wasiirada Soomaaliland in ay la hadlaan Warbaahinta.

Arrintaan ayaa timid, kadib markii xubno ka tirsan Golaha Wasiirada maamulkaasi ay siyaabo kala duwan uga hadleen heshiiskii Dekedda Berbera.

Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha Soomaaliland ayaana la sheegay in uu ka carooday arrimahaasi, islamarkaana uu soo saaray amaradan, si looga hortago in Wasiiradu ay ka hadlaan heshiiskaasi.

Tan iyo markii ay Soomaaliland, dowladda Itoobiya iyo Shirkadda DP World wada saxiixdeen heshiiska Dekedda Berbera ayaa waxaa soo baxaya dhaliilo ay Soomaaliland kala kulmeysay heshiiskaasi.

Waxaana dhawaan si cad uga horyimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamtay heshiiska Dekedda Bebera ee S/land.