Madaxweyne farmaajo oo safar aan la shaacin ku tegay nairobi

0

duljoog- Madaxweynaha Somaliya Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Farmaajo ayaa si wanaagsan waxaa loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Jomma Kenyatta ee dalkaasi Kenya.

Ujeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ee Magaalada Nairobi ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu la xiriiro sidii kulamo uu ula soo qaadan lahaa madaxda dalka Kenya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo oo muddooyinkaan dambe aad si wayn loo hadal haayay ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan ujeedka rasmiga ah ee safarkiisa.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka taageera Somaliya, waxayna ciidamo ka joogaan Somaliya kuwaasi oo ka tirsan Amisom.