Maraykanka oo bilaabay duullaan duulimaad ah oo ka dhan ah dagaalyahannada Isis ee Soomaaliya+ warbixin

0

(DMN) – Milatariga Maraykanku ayaa markii ugu horeysay wuxuu qaaday labo weerar oo ka dhan ah dagaalyahannada Isis ee ku sugan Soomaaliya.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in weerarrada lagu qaaday waqooyiga bari ee Soomaaliya, iyada oo weerarka midkii  ugu horeeyey uu ahaa habeenkii saqda dhexe,  weerarka  labaadna uu ahaa  subixii.

Dagaalyahannada Isis-ku xiran ayaa kusii kordhaya joogitaanka gobalka Geeska Afrika mudo dheerne ku hanjabayey in ay xiriir laleeyihiin kooxda Al-shabaab oo lala xiriiyey in ay ka mid yihiin Al-qaacida.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan lix gantaal ah ay ku tuureen Buqa oo ah tuulo ka fog 60km (37 miles) waqooyiga magaalada Qandala ee gobolka waqooyi ee Soomaaliya.